SAWIRRO: Gargaarkii dowladda Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Dowlada Kenya ayaa 2 diyaarad oo gargaar Caafimaad sida usoo dirtay Soomaaliya, hada ayay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka soo dageen.

Waa Gargaarkii ugu horeeyay ee Dowladda kenya ay u soo dirto Somaliya, tan iyo markii qaraxii masiibada ahaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho 14-kii Bishan.