Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed Cabdulwahaab Cabdulaahi ayaa waxaa uu Abaalmarin guddoonsiiyay Ustaad Cabdiwali Yaxye Cali oo ka mid ah Shaqaalaha Idaacadda Risaala ,islamarkaana intii lagu gudajiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan ahaa tabiyaha Barnaamijkii Afuri oo hel labo Ajir oo ka mid ahaa Barnaamijyadii idaacadda Risaala ugu saameynta badnaa Bishaan Ramadaan.
Barnaamijka Afuri oo hel labo Ajar ayaa ahaa Barmaamij loogu tala galay in lagu Afuriyo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaartu kasoo barakicisay degaanadii ay degaanaadeen ee soo gaaray Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ustaad Cabdiwali ayaa ahaa tabiyihii Barnaamijkaasi oo muujiyay dadaal dheer ,islamarkaana waqtiyo badan kala kulmay dhibaatooyin kala duwan.
Agaasimaha Idaacadda Risaala ayaa ku tilmaamay Shaqaalaha Idaacadda Risaala kuwo howlkariin ah , waxaana uu si gaara Ustaad Cabdiwali ugu Ammaanay dadaalkiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay dhageystayaasha Idaacada Risaala inuu aad ugu mahadcelinaayo, maadaama ay iska soo aruuriyeen lacagta dadkaan tabaaleysan lagu afuriyay, laguna ciidsiiyay.
Barnaamika Afuri oo hel labo Ajar ayaa waxaa si weyn uga qeyb qaatay dhageysatayaasha Idaacadda Risaala ee ku sugan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.
Guud ahaan lacagta laga aruuriyay dhageystayaasha Idaacada Risaala ayaa gaaraysa $7255, waxaana anfaacsaday 600 oo qoys oo laba boqol ka mid ah ay Afur buuxa ku heleen, halka 400 Boqolna ciid ay ku heleen.
Idaacada Risaala ayaanan aheyn markii ugu horeysay oo ay caawiso dadka masaakiinta ah, waxaa la xusuustaa Soonkii aan soo dhaafnay in Idaacada Indhaha ay ufiiqday in ka badan 100 ruux oo araga la’aa, kuwaasi oo lacagta indhaha loogu fiiqay laga soo aruuriyay Dhageystayaasha Idaacada Risaala





