DHAGEYSO: F.Waraabe “Diyaarad aan fasax ka heysan Somaliland kama soo degi karto Buuhoodle”

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in Somaliland ay joojiso Diyaaradaha tagaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ee aan fasaxa ka heysan Maamulka Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in diyaaradaha ka soo dagaya Garoonka Magaalada Buuhoodle ay noqon karaan oo keliya kuwa Fasax ka heysta Somaliland islamarkaana aan la ogolan doonin in si sharci daro ah loo isticmaalo Garoonkaasi.

Feysal Cali Waraabe ayaa Xusay in ay jiraan Siyaasiin ku sugan Magaalada Garowe oo doonaya in ay fashiliyaan Heshiiskii dhexmaray Maamulada Somaliland iyo Khaatumo.

Waxa uu Madaxda Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga kana shaqeeyaan dhaqan gelinta Heshiiskii dhexmaray Maamulada Somaliland iyo Khaatumo.

Hadalka Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa imaanaya Xilli Todobaadkii tagay ay Somaliland iyo Khaatumo Heshiis is afgarad ah ku gaareen Magaalada Hargeysa.