SAWIRO: Tartan Qur’aan Akhris ah oo Todobaadkii Afraad ka socda Risaala

Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa Isbuucii Afraad waxaa ka socda tartan Qur’aan Akhris ah oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 70 arday oo kunool Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

Ardayda ka qeyb galeysa tartanka ayaa ku tartamaya 30-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah , waxaana ay isugu jiraan wiilal iyo Gabdho.

Tartankaan ayaa waxaa maalgalinaya Xarunta Ibnu Qayim Aljowsi oo looga bartay isku daweynta Qur’aanka Kariimka ah.

Tartanka ayaa socon doona Muddo dhan 3 Bilood, waxaana la qabtaa maalmaha Jimcaha iyo Khamiista.

Maxamed Cali iyo C.fataax Maxamed Abuukar oo ah  labo wiil dhalinyaro ah ayaa maanta ka qeyb galay tartanka.