Xasan Sheekh Maxamuud oo kusii jeedda Garowe

Wafdi balaaran oo  hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  daqiiqado ka hor ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aden Ade ayagoo ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland si ay uga qeyb galaan Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland mudane Saciid C/llaahi Deni.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah guddoomiye ku xigeenka arimaha Maamul goboleedyada UPD mudane Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, Xog-hayaha guud ee Xisbiga mudane Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaano labada aqal ee Baarlamaanka ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.