SAWIRO+DHAGEYSO: Maamulka Idaacadda Risaala oo soo xiray Barnaamijkii gurmadka Fatahaadaha

Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta soo gabagabeysay Barnaamij loogu gurmanaayay dadka ay saameeyeen Fatahaadaha ee ku sugan maamul goboleedyadda Hirshabeelle iyo  Koonfur Galbeed.

Barnaamijkaan ayaa Idaacadda Risaala ka bilowday Kowdii Bishaan , waxaana inta uu socday ka qeyb galayay Dhageyastayeyaasha Idaacada Risaala oo muujinaayay doorkooda ku aadan taageerada Shacabka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu saameeyeen.

Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Tuuryare oo ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Fatahaadaha.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa soo xiray barnaamijkii gurmadka ee ka socday Idaacadda waxaana uu sheegay in dhageytayeyaasha Idaacadda Risaala ay soo aruuriyeen lacag ka badan 2 kun oo doollar.

Agaasimaha ayaa xusay in lacagtaasi dhawaan la gaarsiin doono Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen, islamarkaana dadweynihii bixiyay ay arki doonaan halka lagu bixiyo.

Agaasimaha waxaa uu sheegay in Idaacadda Risaala ay kaashatay dadweynaha Soomaaliyeed oo inta badan looga bartay door muhiim ah in ay ka qaataan Barnaamijyadda lagu taageero dadka dhibaateysan ee ka baxa Idacadda Risaala.

Hoos ka dhageyso Codka Agaasimaha oo soo xiray Barnaamijka.