Ha’yadaha Ammaanka dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya gaar ahaan ciidanka Liyuu booliska ee ku sugan tuulada Gogti ee degmada Harawo ayaa gacanta ku dhigay Rasaas la doonaayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo Itoobiya.
Rasaastaan ayaa dhan 14,448 midh oo ah rasaasta qoryaha Ak 47 ka.
Waxa ay sheegeen in rasaasta ay sideen labo gaari oo ka soo gudbay dhanka xuduuda Somaliland rasaastan ayeyna sheegeen in loo waday wadey Dir dhaba iyo Itoobiyada dhexe.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaadkii waday, islamarkaana dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono.







