Jubbaland oo diiday shir ay ku Casuumtay dowladda Dhexe

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa diiday in ay ka qeyb gasho shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya, Waxayna ku eedaysay in dowladda federaalku baalmartay dhammaan shuruucdii iyo xeerarkii dalka u yaalay.

Warqadan ayay Jubbaland ugu jawaabtey waraaq casuumaad ah uga timid xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.