Guddoomiye Thabit Cabdi oo isaga baxay xisbiga midowga Haybad Qaran.

Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga Awoodda Shacabka oo ka mid ahaa tobankii (10) xisbi, ururo, madallo siyaasadeed ee aas-aasay Midowga Haybad Qaran, ayaa shegay in isagoo rumaysnaa in iskaashigu uu horseedi karo xal qaran oo ku dhisan wada-tashi, dowladnimo iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xisbiga Awooda Shacabka Muudadii uu ka tirsanaa Midowga, wuxuu si joogto ah u gudbiyay tallooyin iyo aragtiyo ku salaysan xasilloonida dalka iyo midnimada qaranka ayaa lagu yiri Qoraalka.

Waxaan mar walba doorbidnay wada-hadal iyo is-afgarad, annagoo aaminsan in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo Soomali wadahadasha ayaa lagu shegay Warsaxafadeedka

Qoraalka waxaa kaloo lugu yiri , Nasiib darro, markii Midowga Haybad Qaran uu ku biiray Golaha Mustaqbalka, waxaa noo muuqatay in jihada siyaasadeed ee la qaaday aysan waafaqsanayn mabaadi’dii illaalinta danta guud.

Si gaar ah warqaddii ugu dambaysay ee Golaha Mustaqbalka ee 28 July 2026 ay ku qoreen in Gole ku-meelgaar ah oo la wareega talada dalka la sameeyo, taas oo ahayd mas’uuliyad darro iyo in dowladnimada rasmiga ee Soomaaliya la doonayo 15 sanno in dib loo celiyo, Ka Midowga Haybad Qaranna uusan mas’uuliyad darradaas wali mowqif ka qaadan.

” , ‘ .

‘ ‘n ‘, a .”

Waxaan gabi ahaanba burburay xisbiyadii isu tagay ee 10 ka ahaa madama xibsigii ugu weynaa ee Awooda shacabka oo gudoomiye ka yahay Thabit Cabdi maxamed uu isaga baxay.

Gebagabadii Wuxuu Xisbiga Awoodda Shacabka Sheegay in danta Qaranka ay ka weyn Tahay Danta is Bahaysiga Xisbiga ayaan umahad Celiyay Guddoomiyaha Midowga Haybad Qaran iyo dhammaan asxaabtii ay soo wadashaqeeyeen.