UK oo Soomaaliya iyo Kenya Caddaadis ku saaraysa Wadahadal

Boqortooyada Ingiriiska ayaa hadda ku cadaadinaysa Kenya iyo Soomaaliya in ay ka wadda hadlaan Muranka badda ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ si looga baaqso in labadda dal Midkood diido Go’aanka Maxkamada ICJ.

Wakiilka Sare ee Kenya ee UK Jane Marriot  waxa ay  sheegtay inay jeclaan lahayd inay aragto Kenya iyo Soomaaliya inay xalliyaan muranka xudduudda badda si nabadgelyo leh, islamarkaana dowladda UK ay dadaal badan ku bixin doonto arintaasi.

Marriott waxa sheegtay in wadahadalku wali yahay furaha xallinta khilaafaadka badda ee u dhexeeya labada waddan, islamarkaana dowladda UK ay suurtogalin doonto.

Hadalkaan ayay sheegtay ka dib markii maanta ay la kulantay Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto , waxaana uu u ballanqaaday in Kenya ay diyaar u tahay wadahadalka badda si loo soo afjaro Khilaafka Xuduuda ee labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay iskaga diiday in ay wax wadahal ah ka gasho Muranka bada, waxaana ay sheegtay in ay ku qanacsan tahay go’aanka Maxkamadda.