Afar xildhibaan oo ka goostay Maamulka Waqooyi Bari oo ku biiray Somaliland

Afar kamid ah xildhibaannadii dhowaan ka goostay maamulka Waqooyi-bari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ku biireen siyaasadda Somaliland, iyagoo sheegay inay maalmaha soo socda u guurayaan magaalada Hargeysa.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa xildhibaannadu ku sheegeen in go’aankooda uu ka dhashay qiimeyn ay ku sameeyeen xaaladda siyaasadeed, mustaqbalka deegaannada iyo masiirka shacabka ay matalaan.

Waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in horumarka lagu gaari karo dowladnimo, midnimo, wadajir iyo ilaalinta sharciga.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan ka mid nahay Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay ku sheegeen bayaankooda.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in go’aankoodu aanu ku koobnayn dhinaca siyaasadda oo keliya, balse ay doonayaan inay ka qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta hay’adaha dowladda iyo difaaca xuquuqda shacabka.

Bayaanka waxaa saxeexay Makhtal Siciid Maxamuud, Axmed Caabbi Xasan, Sidiiq Jaamac Muuse iyo Axmed Cali Maxamed. Wararku waxay sheegayaan in markii hore ay kooxda ka koobnaayeen shan xildhibaan, hase yeeshee aan weli la caddeyn halka uu ku biirayo xildhibaanka shanaad.

Dhanka kale, xildhibaan hore Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje), oo hore uga goosatay maamulka Waqooyi Bari, ayaa soo dhaweysay tallaabada ay qaadeen afarta xildhibaan, iyadoo ku tilmaantay mid geesinimo leh.

Sidoo kale, ilo ku dhow xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay socdaan diyaar-garow loogu jiro soo dhoweynta afarta xildhibaan ee la filayo inay maalmaha soo socda gaaraan Hargeysa.

Dhanka kale, MMadaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa cambaareeyay go’aanka xildhibaannada, isagoo sheegay inuusan metelin rabitaanka shacabka deegaannadaasi.