Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lacag dhan Shan iyo Toban Kun oo lacagta Mareykanka ($15,000) guddoonsiiyay Sarkaal dhawaan ka soo goostay Ururka Al-Shabaab, kadib markii uu wada hadal la bilaabay Maamulka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa bishii January iska soo dhiibay Magaalada Baydhabo, sababo ku aadan markii uu garowsaday in Shabaabku ay dhibaato ku hayaan umadda Soomaaliyeed.
Xaflad xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay Sarkaalka ka soo goostay Al-Shabaab, waxaana guddoonsiiyay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Maxamed Sandheere oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al-Shabaab ayaa Maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha.
Sandheere ayaa sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, markii ugu dambeysayna uu ka yimid dhinaca Gobolada Jubbooyinka.
Isagoo la hadlaayay Warbaahinta ayaa wuxuu sababta uu isu soo dhiibay ku sheegay, inuu arkay Shabaabka oo xaqdaro ku leyneysa shacbiga Muslimiinta ee Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay lacag cadadkeedu yahay lagu wareejiyo Sarkaal Shabaab ka soo goystay, iyadoo ay tani kalsooni ku dhalin karto xubnaha doonaya inay isaga soo baxaan safka Al-Shabaab.