Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiysay in Madaxii Alshabaab ee gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Maxamed Bitow iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa ay isku soo dhiibeen CXD gaar ahaan guutada 14-ka October.
Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in uu hadda ku jiro Gacanta Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ninkaan ayaa watay hubka Fudud, waxaana la socday Shaqsi kale oo la sheegay in uu ahaa Ilaaladiisa.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyed ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha hoose, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Ninkaan.



