Sarkaal caawa lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Rag hubeysan ayaa caawa degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Macalin Nuur waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Koox ku hubeysneyd Bastoolado ayaa beegsaday Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, isla goobta ayuuna ku geeryooday.

Durba goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Maamulka degmada iyo Ciidamada ammaanka, balse ma aanay suuragelin in gacanta lagu dhigo Dableydii dilka geystay.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sarkaalka la dilay waxa ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Xasan Ciise, kaasi oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Xasilinta ayaa caawa Howlgallo ka wada xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley, waxayna ku raadjoogaan raggii dilka geystay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

18-kii bishan laba Habeen ka hor waxaa xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley gaar ahaan goobtiisa ganacsi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Yuusuf.

Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan ragga hubeysan, Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayay Muqdisho ka dhaceen dilal xiriir ah, iyada oo Ciidamada ammaanka inta badan aysan ka jawaabin dilalka dhaca.