Hay’adda Socdaalka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMO ayaa iyaduna sheegtay in ay Liibiya ka aruurisay caddaymo ku saabsan in uu adoonsi jiro.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMO ayaa iyaduna sheegtay in ay Liibiya ka aruurisay caddaymo ku saabsan in uu adoonsi jiro
Dawladda Rwanda ayaa ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.
Arrintan ayaa dabasocota muuqaal uu toddobaadkii hore baahiyay telefeshinka CNN, kaas oo muujiyay rag la xaraashayo si beeraha loogu fasho.
“Taariikhdanada markaan fiirino, kama aamusi karno iyadoo banii’aadan si xun loola dhaqmayo, loona xaraashayo sida lo’da oo kale, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadd ee Rwanda.
Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sannad walba iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan.
Badanaa waxaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qabsaa in ay shaqeeyaan iyaga oo lacag yar la siiyo ama bilaash ku shaqeeya.
Markii uu socday xasuuqii Rwanda ee 1994tii, dad lagu qiyaasay 800,000 oo ah qawmiyadda Tutsi-ga iyo Hutu-gii qunyar socodka ahaa ayaa lagu xasuuqay 100 maalmood gudahood, markaas oo dalalka badankood aysan wax badan u qabanin.



