Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u diyaar garoobeyso shirar caalami ah oo dhici doona bilowga bisha December ee sanadkan.
Shirarkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa ka qeyb geli doona xubno ka socda Beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.
Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta 4-ta December in Muqdisho uu ka dhici doono shirka Amniga, loogana hadlayo wixii ka soo baxay shirkii London, Dib u habeynta Ciidamada, Howlgalada Ciidanka iyo bixitaanka AMISOM.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay 5-ta bisha December in Muqdisho uu ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.



