
Ruushka ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu ka dambeeyey weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday aqalka madaxtooyada Ruushka ee loo yaqaan Kremlin.
Moscow ayaa sheegtay in ujeedada weerarkaas looga dan lahaa ay ahayd in lagu dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Hase ahaatee Washington iyo Kyiv ayaa labaduba beeniyey inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkaas.
Wakaaladda wararka ee TASS ayaa sheegtay in madaxweyne Putin uu ka qaybgeli doono shirka golaha amniga ee qorshaysan Jimcaha isla markaana uu qodobkani ka mid yahay, arrimaha miiska saaran.


