Roy Keane oo weerar ku qaaday Mourinho

Roy Keane ayaa ka hadlay macalinka cusub ee Manchester United Jose Mourinho “isagoo yiri run ahaantii waa xanuunsan ama diiqaya lakiin wuxuu ku haboon yahay in lagu bedelo Luis Van Gaal”.

Kabtankii hore ee Red Devils ayaa amaanay CV Mourinho isagoo qiray inuu yahay mid wanagsan,laakiin tababaraha reer Portugal ayuu sheegay inuusan hadda wax amaan ah laheyn.

Keane oo wajahay Mourinho labadaba isagoo ciyaaryahan ahaan United katirsan iyo isagoo tababare kooxda Sunderland ah ayaad ku shegay macalinkaan mid la xanuunsanaya dhib aatooyinkii ugu dambeeyay ee soo gaaray.

Keane ayaa ku tilmaamay Special One “mid Dulleeya dadka” ka dib markii uu isku dayay in uu gacanta qaado ama salaamo iyadoo aanay dhamaan ciyaartii Aston Villa ay 3-0 kaga badiyeen Blues ,Keane ayana ahaa waqtigaas macalin labaad ee Villa 2014.

Mourinho ayaa loo magacaabay bedelka Louis Van Gaal horaantii isbuucaan – iyadoo Keane uu aqbalay in United qaataan go,aankaasi