Riyad Mahrez oo qarka u saaran inuu ka dhabeeyo riyadiisa

Riyad Mahrez ayaa qarka u saaran inuu ka dhabeeyo riyadiisa isagoo u wareegaya kooxda Barcelona ka dib markii uu u sheegay kooxdiisa Leicester City inuu doonayo inuu ka tago xagaagaan.

Ku guuleystihii abaalmarinta PFA Player Of The Year ayaa iska diiday dalab cusub oo loogu kordhin lahaa qandaraaskiisa iyo mushaarkaba oo ay usoo bandhigtay kooxda difaacaneysa horyaalka England Premier League Isbuuc dhammaadkaan.

Mahrez ayaa seddax sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa uu kula jiro Leicester, laakiin wuxuu wakiiladiisa ku wargeliyey inuu doonayo inuu ka injineeriyo qorshe uu xagaagaan uga tegayo kooxda ka dhisan King Power Stadium.

Gooldhaliyahoodii ugu sarreeyey xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Jamie Vardy ayaa bishii lasoo dhaafay ku gacan seyray inuu ku biiro Arsenal wuxuuna saxiixay qandaraas uu Isbuucii 100 kun oo ginni uga qaadanayo Foxes.

Laakiin 25 sanno jirkaan Mahrez ayaa isha ku haya inuu dhabarjab kale ku rido kooxda tababare Claudio Ranieri isla markaana uu albaabka ka baxo ka dib markii uu Sabtidii ka tegay N’Golo Kante kaasoo qiimo lacageed dhan 30 milyan oo ginni ugu wareegay Chelsea.

Waa cinwaanka wargeyska Catalonia kasoo baxa ee Sport oo maanta lagu qoray warbixintaan