Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Bayern Munich Arjen Robben ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Bundesliga ka dib markii laga saaray garoomada muddo lix isbuuc ah .
Xiddiga garabka ka ciyaara eee reer Holland waxaa soo gaaray dhawac kulan katirsanaa ciyaaraha saxiibtinimo ee ka horeeya xilli ciyaareedka cusub.
Robben waxaa soo gaaray dhibaatada kulankii Bayern ay 4-3 kaga badiyeen kooxda Lippstadt xalay, ciyaartii ugu horeysay ee Carlo Ancelottihogaamiyay kooxdiisa cusub.
Isagoo uu ka cawiyay gool kooxdiisa kulankaan, lakiin 32-sano jirkaan ayaa lagu bedelay daqiiqadii 36aad ciyaaryahanka Mario Crnicki.
“Dhaawaca oo kasoo gaaray lugta midig ayaa qeybta caafimaadka Bayern Munich ay sheegeen in uu qaadan doono ilaa lix isbuuc,
Robben ayaa seegi doona dhamaan kulamada diyaargarowga kooxdiisa, iyo sidookale kulanka DFL-Supercup ee ay wajihi doonaa kooxda Borussia Dortmund.
Waxaa Sidookale ciyaaryahanka uu seegi doonaa kulanka ugu horeeya xili ciyaareedka ee kooxdiisa wajihi doonto Werder Bremen.
Robben ayaa ciyaaray kaliya 15 kulan oo horyaalka ah xili ciyaareedkii 2015-16 , isagoo inta badan ku maqnaa dhawac.


