DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaaraha oo Tababar usoo xiray ciidamo kumaandoos ah

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta Tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska ee sida gaarka u Tababaran, kuwaas oo ay Tababar siinayeen saraakiil ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta.

Munaasabadda maanta Tababarka loogu soo xiray ciidamada Kumaandooska ee sida gaarka u Tababaran ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Tababarka soo xiray ayaa sheegay in muhiimada Tababarkan uu ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga dalka, isagoo sidoo kale ciidamada kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan sidii AMISOM ay kala wareegi lahaayeen amaanka dalka.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in dhamaadka sanadkan dalka la filayo in dalka ay ka dhacdo Doorasho sidoo kalena ciidanka looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan xasilinta dalka.

Safiir ku xigeenka Imaaraadka Carabta ee u fadhiya dhinaca Soomaaliya oo gaba gabada Munaasabadan ka halday ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Tababarada ay siinayaan ciidanka Soomaaliya.