Maxkamad ku taala dalka Baxrayn ee ay suniyiintu hogaamiyaan ayaa kala dirtay uruka ugu wayn mucaaradka Shiicada ah ee dalkaas, hantidoodana xayirtay, sida ay wararku sheegayaan.
Go’aankan maxkamada ayaa daba socda talaabadii ay dawladdu bishii hore ku istaajisay dhamaan hawlihii Wefaq National Islamic Society.
Dhamaan maaliyadooda waxaa la waregi doonta dawladda Baxrayn sida uu sheegay telefashinka Al-Carabiya.
Wefaq waxay gacan ka gaysatay in ay hogaamiso dibad baxyadii dimuqraadiyad doonka ahaa ee tan iyo 2011-kii.
Bishii labaad ee sanadkan dad mudaaharaadaya ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyaga oo dalbanaya in Shiicada la siiyo xaq siyaasadeed oo intan ka badan iyo in la afjaro takooridda lagu hayo shiicada tirada badan.
Bishii xigtay boqor Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa ciidammo ka keenay dalalka Suniga ah ee gacanka si ay u soo celiyaan kala dambayntii meeshana uga saaraan mucaaradka.
Daganaansho la’aantaasi waxay sababtay in ay dhintaan soddon qof oo shacab ah iyo shan ruux oo shacab ah.
Dadka mucaaradka u ol’oleeya waxay sheegeen in dad badan lagu dilagay isku dhacyada ilaa iyo hadda socda ee u dhaxeeya dadka mudaaharaadaya iyo laamaha ammaanka, inkasta oo weeraro duqaymo ah lagu eedeeyay malayshiyaad ay taageerto Iiraan oo dilay tiro booliis ah.