Masuuliyiinta bariga dalka Shiinaha ayaa sheegay in wiish la hagaajinayay oo ku yaala guri deegaan ah uu ka soo go’ay dabaqa sideed uuna ku dhacay dhulka isaga oo ay saaran yihiin sideed ruux.
Dhamaan dadkii saarnaa wiishkaasi go’ay ayaa geeriyooday.
Arrintaas waxay ka dhacday magaalada Longkou oo ka tirsan gobolka Shandong.
Saxfiyiinta ku sugan dalka Shiinaha waxay ku soo waramayaan in ay soo hagaagayso shuruucda badqabka dhismayaasha dalkaasi.
Laakiin si joogto ah ayaa la isaga indho tiraa ku dhaqanka shuruucdaasi badqabka dhismooyinka ee dalka Shiinaha.