Risaala oo Maanta u dabaal degeysa Sanad guuradeedii 20.aad

Maanta ayaa ah maalintii ay dhalatay ama bilatay Radio Risaala oo ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed kuwooda ku hadla Afka Soomaaaliga, tariikhduna ku beegan tahay 24-ka Bisha Apriil.

Idaacadda Risaala ayaa la timid waxqabad dhab ah oo ay la dhaceen bulshada ku xiran radio Risaal,waxaana idaacadda ay leedahay dhageystayaal ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Kusimaha Agaasimaha Idaacadda Risaala ahna agaasime kuxigeenka Xasan Cabdi Axmed ayaa u hambalyeeyay Dhageystayaasha Idaacadda Risaala, isaga oo sheegay in sanadkaan ay soo kordhin doonto Barnaamijyo Cusub.