Laacibkii hore kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Juan Roman Riquelme ayaa amaan balaaran kala dul dhacay saxiixa cusub Barca Paulinho.
Paulinho oo khadka dhexe xulka Brazil kaga cayaaro £35million ayay Barcelona kaga soo iibsatay naadiga Guangzhou Evergrande ee horyaalka China cayaaro xagaagii dhawaa.
Inkastoo dhaliil loo soo jeediyay go’aankii Barcelona kusoo iibsatay Paulinho hadana xidigaan kaalintiisa wuu kasoo baxay weliba labadii kulan ee ugu dambeesay gool ayuu Barca u dhaliyay.
Juan Roman Riquelme ayaa la dhacsan hormarka uu Paulinho sameenayo wuxuuna la bandhigay halyeega kooxda Chelsea Frank Lampard.
Riquelme wuxuu yiri “Pualinho in badan qaabka uu kubada u cayaaro wuxuu kala mid yahay Frank Lampard, farqiga u dhaxeeyo kaliya wuxuu yahay in Paulinho midib ahaan maddoow yahay”
“Goolal ayuu dhalin karaa asigoo xeelado kala duwan adeegsanyo sida darbad iyo madax, xitaa asigoo bandhigiisa liito habeenada qaar ayuu gool dhalin karaa”
“Sidaas waxaa lagu yaqiinay Frank Lampard oo xili walbo goolal u dhalin jiray sanidihii kala duwanaa ee uu kubada cayaari jiray”
Paulinho waayihiisa cayaareed ilaa iminka wuxuu dhaliyay 101-gool waana tayo gool dhalin oo aad u wanaagsan.
Inkastoo heerka dhalinta Frank Lampard gaari karin kaasi oo dhaliyay 274-gool waayihiisa cayaareed.



