Ahlusuna oo ku baaqday in laga hortago falalka amni daro

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Maamulka gobolada dhexe ee ururka Ahlusuna ayaa ka hadlay ammaanka guud, arrimaha Nadaafadda, Waxbarashada ee ka jira degaanadiisa.

Hoggaamiyaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shacabka ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan ammaanka, Nadaafadda iyo Waxbrashada, si gaar ah ayuu ugu baaqay muhiimada koowaad in ay siiyaan amniga.

“Ka shaqeeya amniga waa qodobka koowaad, Waxbarashada, Caafimaadka, midka amni darada sameynaya iska qabta, midka amniga idinka saacidaya soo dhaweeya, sidoo kale Nadaafadda waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu badbaado.” Ayuu yiri.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shacabka ka codsaday in Ciidamada ammaanka ay ku soo wargeliyaan ragga doonaya in degaanada Ahlusuna ay ka geystaan falal ka baxsan amniga.

Maamulka gobolada dhexe ee ururka Ahlusuna ayaa waxa ay ka arimiyaan magaaloyinka Dhuusa-mareeb, Guriceel iyo degaano kale oo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana inta badan ay soo bandhigaan Ciidamo hubeysan oo ay sheegeen in ay xaqiijiyaan ammaanka.