Ribery: Maskaxdeyda kama bixin niyad jabkii Ballon d’Or 2013

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa shaaca ka qaaday inuusan weli ku faraxsaneyn qaabka uu ku waaayay abaalmarinta Ballon d’Or sannadkii 2013, ka dib markii xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo uu ku guuleystay abaalmarinta.

Xiddiga Faransiiska ah ayaa si la yaab leh u seegay abaalmarinta shakhsi ahaaneed, isagoo ku dhameystay kaalinta seddexaad, waxaana uu xitaa ka dambeeyay Lionel Messi.

Ribery ayaa helay boqolkiiba 23.36 codadka la bixiyay halka Messi uu helay 24.72%, iyadoo Ronaldo oo ku guuleystay abaalmarinta uu helay 27.99%.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa sannadkaas ka caawiyay Bayern Munich inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga, DFB-Pokal, UEFA Champions League, UEFA Super Cup iyo koobka kooxaha adduunka.

Waxa uu sidoo kale dhaliyay 18 gool isagoo 20 kale caawiyay 46 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka ka dhian.

Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay 66 jeer 56 kulan oo uu u saftay Real Madrid iyo Portugal sanadkaas.