Kooxda Real Madrid ayaa dhuunta u gashay kooxda kubadda cagta Arsena macallinkooda cusub ee Unai Emery kaasoo dib u habeyn ku sameynaya daafaciisa, waxa ayna kula dagaallami doonaan saxiixa daafaca Atletico Madrid ee Jose Giminez.
Giminez ayaa lagu soo warramayaa inuu shiishka u saarnaa kooxda Arsenal muddo dheer, Unai Emery ayaana doonaya in 23-jirkan uu keeno garoonka Emirates Stadium.
Xagaagan ayaa la filayaa in Gunners ay dalab rasmi ah u gudbin doonto kooxda Atletico Madrid, balse warar xan ah oo hadda soo baxaya ayaa tibaaxaya in Los Blancos ay xiiseynayaan daafaca reer Uruguay.
Marca ayaa sheegtay in kooxda Macallin Zinedine Zidane ay beegsan doonto lacagaha lagu burburin karo heshiiska Giminez uu kula jiro Atltico oo ah £53m si ay shanta farood ugu soo dhigan laacibka ku wanaagsan ka ciyaarista wadnaha dhexe ee difaaca.



