Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta oo Arbaca ah maxkamad lasoo taagi doonaa, iyadoo loo heysto musuqmaasuq ah inuu lunsaday lacago malaayiin dollar ah.
Ku tagri-falidda lacagahaasi tirada badan ayaa aad uga yaabisay aduunyada, waxana ay door ka ciyaartay isbaheysigii uu madaxda ka ahaa ee muddada dheer soo xakumayay dalkaasi uu guuldarrooyin kala kulmo doorashooyinki dalkaasi ka dhacay sannadi hore.
Ka hor inti aanu lumin doorashadi sannadki hore, waxaa aad loogu saadaalinayay inuu si fudud ugu guuleysan doono, balse waxaa kaga guuleystay doorashada, hogaamiyihii muddada dheer soo xakumayay Maleysia Mahathir Mohamad.
Waxaa uu maanta wajahaya mid ka mid ah dhowr dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana tan ugu weyni ay tahay xatooyo malaayiin dollar ah.
Lacagahaasi ayaa markoodii hore loogu talagalay maalgeshi dibadda uga yimid Maleysia, taasoo la rabay in lagu horumariyo dhaqaaqalah dalkaasi dhaca Koofurbari Asia.
Najib Razak ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay dhammaantood, waxaana uu sheegay in la siyaasadeeyay oo la doonaayo in lagu dilo Sumcadiisa.