Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo la kulmay Madax ka socota QM

Muqdisho-RisaalaFM- Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa kulan la qaatay Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi.

Kulanka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka uu la qaatay Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigenka Arimaha dibadda ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana kulanka looga hadlay sidii Qaxootiga ku nool gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, gaar ahaan xerada Dhabaab wax loogu qaban lahaa.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa la isku afgartay in Qaxootiga loo sameeyo qorshe waxa ay u baahanyihiin loogu sameynayo, iyadoo aan si qasab ahna dalkooda loogu soo celin doonin.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in kulanka uu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana uu dabo socdo heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu la saxiixday dhigiisa Kenya ee ku aadanaa arrimaha qaxootiga..

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay horey ukala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hey’adda UNHCR uu ku egyahay Bisha November, isla markaana ay qorsheynayaan sidii muddo kordhin loogu sameyn laaha..