Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u dhoofay magaalada Geneva ee Caasimadda dalka Switzerland.
Kheyre ayaa halkaasi kaga qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka.
Waxaa lagu Waddaa in uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaato Madaxda dalkaasi iyo sidoo kale kuwa ka qeyb gali doona.
Shirka ka furmaya magaalada Geneva ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Qaraadda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.




