Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Eng. Rooble ayaa xusay ahmiyadda ay dowladnimada u leedahay isku xirka hay’adaha iyo wada-shaqeynta dhexdooda, isagoo ku dhiirigeliyey in la sii adkeeyo iskaashiga dowladnimo dhisidda.
“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-gobolleed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeedinayay kulan uu la yeeshay Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha KG Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.
Dhinaca kale Wasaaraha Xukuumadda Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa odayaasha dhaqanka uga warramay ujeeddada socdaalkiisa Koofur Galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka Al-Shabaab iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.
Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.