Maxaa looga hadlay Kulanka Musharixiinta & Madaxweynaha Galmudug?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaannada Galmudug.

Kulanka masuuliyiinta kasoo qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa, Ra’isul Wasaarihii hore  Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana kulanka ka maqnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh & Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah oo looga arrinsanayey maareynta marxalada kala guurka ah iyo masiirka dalka iyo khilaafka ka taagan Guddiyda doorashooyinka Soomaaliya oo ay qaadaceen musharixiinta Madaxweynaha.

Wararka laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharixiinta Madaxweynaha ay Madaxweyne Qoor Qoor ku cadaadiyeen in uu bedelo Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee uu soo Magacaabay, hayeeshee uu weli iska difaacayo eedeynta ay u jeediyeen oo ah in uu kasoo xulo xubno ka tirsan NISA &Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Waa kulankii labaad oo ay yeeshaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee kasoo jeeda degaannada Galmudug iyo Madaxweynaha Galmudug, iyaga oo kala hadlayay Arrimaha doorashooyinka iyo cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka.