Ra’iisul wasaaraha oo kulamo la qaadanaya madaxda Puntland

Wafdi balaaran oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta waxa aay gaareen magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland,

Waxaana ay hadda shirar halkaasi kula qaadanayaan madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin kale.

Wafdigan gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay uhormarin la haayeen mashaariicda ka socota Puntland iyo sidii loo amba qaadi lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa galabta waxa uu kulamo Garoowe kula qaadanayaa madaxda Puntland,

Waxaana Puntland ay wali diidan tahay nidaamka 4.5-ka.