Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Cali Zeydi ayaa saaka ka ambabaxay Baqdaad isagoo ku sii jeeda Maraykanka, waxaana safarka ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda si gaar ah dhinaca dhaqaalaha.
Wasiirka Maaliyadda Ciraaq, Fallah Sari, ayaa sidoo kale qayb ka ah wafdiga safarka.
Waxaa la filayaa in inta uu booqashada ku joogo Mareykanka oo uu markii ugu horreysay ku tagayo inuu la kulmo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Ilo ku dhow dowladda Ciraaq ayaa sheegay in booqashadu diiradda saari doonto dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka, horumarinta waxqabadka nidaamka bangiyada Ciraaq, iyo dardargelinta barnaamijyada ballaaran ee casriyeynta dhaqaalaha dalka.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Ra’iisul Wasaare Cali Zeydi wuxuu dadaal xooggan ku bixiyay sidii uu ugu qancin lahaa maleeshiyaadka xiriirka dhow la leh Iiraan inay hubka dhigaan.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda iyo maamulka dowladda dhexe ee Ciraaq.



