Rafael Benitez, kaasoo xilli ciyaareedkan qeyb kamid ah ku qaatay garoonka Bernabeu ciyaarnay La Liga iyo Champions League ayaa bilaabay ololihiisa badbaadin kooxdiis cusub ee Magpies tasoo ahy kooxda labaad ee ugu hooseysa Horyaalka.
Ninka reer Spain oo 55-sano jir ah ayaa laba horyaal oo La Liga la qaaday Valencia, ka hot inta uusan u qaadin Champions League Liverpool , waxaana xigay Europa League oo uu la qaaday Chelsea, laakiin waxa uu hadda wajihi doonaa marxalad caqabad ah oo uu St James ‘Park ka badbadin doono.
waxaa jira arrimo loo bahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto? Haddaba Sidee ayuu u dhowri karaa hawsha loo dhiibay? Newcastle makusii heyn doonaa Premier League?
Waa maxay caqabadda ugu weyn ee Benitez wajihi karo?
Waxaa jiray oo kaliya laba wax oo ka qaldan Newcastle xilli ciyaareedkan – waana weerarka iyo difaaca.
Deriskooda ay xifiltamaan ee Sunderland ayaa laga yaabaa in iyagana ay u bahan yihiin si dirqi ah in ay kaga badbadaan Horyaalka, Jermain Defoe ayaana hadda hormuud u ah, laakiin Magpies ayaa dooneysa in ay dagaalka magaalada ee ka bvadbadida heerka labaad kiciso.
Kooxda ayaa aaminsan in Aleksandar Mitrovic uu awood inuu uu dhaliyo goolal, waxaa £ 13m xagaagii lasoo dhaafay ku yimdi kooxdan, laakiin fursadaha uu kula qabsan karay Premier League ayaa aad u yaraa.
Benitez ayaa dib u eegid ku sameyn doona xaalada koox , waxaana Fabricio Coloccini oo muddo ahaa kabtanka kooxda laga yabaa in laga taqluso,.
Taageerayaasha – kooxdan ayaa doonaya in hogaamiyaha cusub laga dhigo saxiixooda cusub ee Jonjo Shelvey kasoo soo jiidfasho badan ku sameeyay jamaahiirta.
Benitez miyuu koontarooli doonaa xaalada suuqa.
Madaxa suuqa ee kooxedan Graham Carr ayaa halis badan galiyay ciyaartooy muhiim ah oo ay kooxdan laheyd, waxaana magacii ugu weynaa ee ka tagay uu ahaa Yohan Cabaye oo ku biiray PSG, inkastoo mardambe uu kusoo laabtay Ingiriiska.


