Neymar &y Ronaldinho yaa wanaagsan horta dhinac kastaa??? Doodaan oo jawaab loo helay

Halyeyga Brazil Tostao ayaa ku taageeray xiddiga Barcelona Neymar inuu ku raaxaysanayo xirfadiisa guulaha in ka badan Ronaldinho.

Ninkan 69-sano jir ah, ayaa ku guuleystay in ka badan 50 kulan inuu u safto dalkiisa Brazil oo uu kula guuleystay koobkii adduunka ee 1970, waxaana uu aaminsan yahay in Ronaldinho uu ka wanaagsan yahay.

Tostao ayaa amaanay awooda Neymar oo waqtigiisa ugu fiican ku qadanaya Camp Nou ,waxaana uu aaminsna yahay inuu xirfad ahaan ka wanaagsan yahay xiddigii hore ee Paris Saint-Germain, Barcelona iyo AC Milan, kasoo haatan beeca xorta ah lagu heli karo ee Ronaldinho.

“Waxaan shaki ku jirin inuu ka kheer badan yahay Ronaldinho, sababtoo ah waxa uu leeyahay awood buuxda oo dhameystiran,” Tostao ayaa u sheegay Cadena SER.

“Ronaldinho ayaa kaliya saddex sano oo wanaagsan ku qaatay kubadda cagta. Haddii uu ciyaari lahaa in ka badan 10 sano, sida Lionel Messi, run ahaantii waxa uu ahaan lahaa mid sare ayuu yiri.