R/Waasare Xamse oo la Kulmay Antony Blinken, & Mas’uuliyiin kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maalintii labaad ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York, oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale’   Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu Magaalada New York kula kulmay  Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Hase’ahaatee ‘  Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo    Fadhiga Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York Maalinta Sabtida ah , ee soo socota