Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo Ku Eedeeyay Al-shabaab in ay barakiciyeen dad shacab ah

Ergeyga Arrimaha Bani-aadannimada Madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa booqday ciidamada  ku sugan deegaanka Bulacle ee gobolka Galguduud ayaa  ka hadlay Hawgalada ka socda degaannada Galmudug & Hirshabeelle   isaga  oo tusaale u soo qaatay saraakiil ciidan oo geeriyootay intii uu  hawlgalka socday kuna tilmaamay geesiyaal naftooda u haray dalka & Diinta  .

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa sidoo kale sheegay un cidkasta uu waajib ka saaran yahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd dagaaalka ka dhan ka ah  Alshabaab ee ka socda Galmudug & Hirshabeelle .

Mudane Cabdiraxmaan Xabdishakuur Wasrsame ayaa ku Eedeeyay Alshabaab in ay barakiciyeen Dadka shacabka ah ee ku sugan degaanada Hawlgallada ay ka socdaan ee Galmudug & Hirshabeelle waxana uu ugu baaqay dadkaas in ay guryahoodaa ku soo laabtaan.