Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Gudoomiyaasha labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaaliya ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa Madaxweyne Xasan sheikh kala hadlaya dar dargelinta Hawlgallada ka dhan ka ah ALshabaab