War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM, ayaa lagu cambaareeyay Qaraxyadii maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo uu ka taliyo maamulka Puntland.
Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Qaraxyadani aysan u hakan doonin hawlaha ka socda dalka Soomaaliya, xilli la isku diyaarinayo inay si hufan u qabsoomaan doorashooyinka dadban ee sanaddan 2016-ka.
Waxay sido sheegtay QM in Qaraxyadan ay ahaayeen kuwo bahalnimo ah, sidoo kalena ay tacsi u direyso dadkii ku dhintay Qaraxyadan, iyadoo caafimaad deg deg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.
Inta la ogyahay 30 Ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxyada, waxaana isbitaalka guud ee Gaalkacyo la garsiiyay dhaawacyo ka badan 50 Ruux, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarkii Qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.


