Qatarta Burcad badeeda oo laga digay

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay ineysan wali idlaan weeraradii ay geysan jiraan balse hoos u dhac weyn laga dareemayo dhaqdhaqaaqii ay ka sameyn jireen xeebaha Soomaaliay iyo meelaha ka baxsan.

Qaar kamid ah qabiirada dhanka badda ayaa sheegaya iney soo laaban karaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, waxayna ka digeen qatar ka dhalata weeraro kale oo kooxaha burcad badeed ay soo rogaal celiyaan.

“Ma jirin weeraro burcad badeed geysteen labadii sano ee lasoo dhaafay oo ay la kulmeen maraakiibta ganacsiga, laakiin burcad badeeda meysan wada bixin”ayuu yiri John Steed oo ka tirsan hayad American ah oo arimaha burcad badeeda ka hadasha.

Ciidamada caalamiga ee la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda ayaa sheegaya in burcada aysan geysan weeraro sanadihii ugu dambeeyay, laakiin taasi aysan la micno aheyn iney joojiyaan qatarihii burcad badeeda.

Kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa gacantooda gashay malaayiin doolar oo ay ka qaadeen maraakiibtii ay afduubteen madax furasho ahaan.

Agaasimaha hayada arimaha burcad badeeda ee laga leeyahay Mareykanka ayaa sheegaya in wali laga baqayo iney soo rogaal celin karaan kooxaha burcad badeeda.