Wasiirka Wasaarada Gargaarka Bani aadanimada iyo daryeelka Naafada ee Maamulka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa Hay’adaha gaargaarka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ugu baaqay iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan.
Wasiirka waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Hay’adahaasi aysan si dhab ah ugu gargaarin dadka dhibaateysan waxa uuna sheegay in ay go’aan ka qaadanaya Hay’adii aan waxbo u qabaneyn qoysaska dhibaateysan ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan.
Wasiir Shire Xirsi Maxamuud ayaa sidoo kale Hay’adaha gargaarka ugu baaqay iney isa soo diiwaan geliyaan si loogu sharciyeeyo ka howl galista deegaanada Maamulka Galmudug.
Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka jira abaar saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah ee ku nool deegaanadaasi, waxaana Wasiirka uu hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu koormeer ku tagay Kaam ay ku nool yihiin qoysas danyar ah.


