Qaraxyo Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay duleedka Balcad

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow Ciidamo ka tirsan AMISOM qaraxyo lagula eegtay duleedka Koonfureed ee degmada Balcad ee inta u dhaxeysa Magalada Muqdisho iyo degmada Balcad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho qaraxyada lala eegtay xilli ay marayeen agagaarka Dalcada halka loo yaqaano Lambar Soddon ama Xeradii hore ee Ciidamada Hiilweyne.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa la sheegay in mudo ku dhow 20 Daqiiqo la maqlayay rasaas ka dhaceysa Goobta qaraxa uu ka dhacay,waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in mid ka mid ah Gaadiidka AMISOM uu qaraxaasi qabsaday.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxyadaasi,hayeeshee weli aan sirasmi ah loo cadeyn Karin,waxaana Ciidamada AMISOM ay xireen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada Muqdisho iyo Balcad.

Waa qarixii labaad oo Ciidamo ka tirsan AMISOM 24 Saac Gudahood lagula eegto deegaano duleedka ka ah degmada Balcad,waxaana shalay ay aheyd markii qarax iyo weerar toos ah lagula eegtay agagaarka tuulada Gololeey ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe.