Ciidamadii laga qaaday Baladweyne oo gaaray Guriceel

Ciidamadii dhawaan  lagu tababaray Baladweyne isla maantana laga qaaday ayaa waxaa ay gaareen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo ka qeyb qadan doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Taliska Qaybta 21aad ayaa Dugsiga Tababarka Har-Qaboobe  ee degmada Guriceel waxaa ay ku soo Dhoweeyeen Ciidamadii saakay ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen inay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee la filayo in dhawaan laga fulinayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Baladweyne aya dhowr jeer wxaa ay diideen in Ciidamadaas loo qaado gobolka Galgaduud,waxaana sidoo kale fashilmay qorsho looga dhaadhicin lahaa inay ogolaadaan,hayeeshee Maanta la qaaday.