Ciyaaryahan sheegay in uu qabo Cudurka HIV

Kabtankii hore ee kooxda ciyaarta rugby-da ee Wales, Gareth Thomas ayaa shaaciyey in uu qabo fayraska HIV, asagoo sheegay in uu jabinayo “Takoorka arrintaas” ku xeeran.

Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu dadka tuso in dadka qaba HIV-ga si khaldan loo fahmay sida in ay yihiin “dad geerida qarka u saaran”.

Wuxuu kaloo sheegay in ay “ceeb” iyo “baqdin” tahay in uu qariyo xaaladdiisa.

Kabtankii hore ee kooxda Lions ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah uu BBC-da la wadaago barnaamij taxane ah oo uu uga hadlayo daawooyinka uu qaato.

Wuxuu sheegay in ol’olihii siddeetamaadkii, ee dadka looga digi jiray in ay qaateen daawooyin ka hortagga Aids-ka ay dadka marin habaabiyeen.

Hormarka laga sameeyey caafimaadka ayaa haatan u oggolaanaya dadka la nool HIV-ga in ay noolaadaan waqti dheer ayagoo caafimaad qaba.