Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada 21ka October ee Dagmada Waabari.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Gaari ay wateen Saraakiil katirsan Hay’adaha UN-ka xilli ay marayeen meel u dhow Wadada aada Airporka ee ka baxda dhinaca Wadada 21ka October.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana wadada xiray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, iyaga oo u diidaya inay wadada maraan Gaadiidka iyo Shacabka intaba.

Wararka kusoo kordha kala socda www. Radiorisaala.com.