Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ciidamada Jabuuti lagula eegtay Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne.
Dadka dadka kunool Xaafadda Xaawo Taako, ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada Jabuuti lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qabsaday qaraxa.
Gaariga uu qabsaday Qaraxa ayaa waxaa saarnaa tiro askar ah oo ay waxyeelo kala duwan soo gaartay .
Ciidamo dheeraad ah oo Jabuutiyaan ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxu, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyo.
Ma jiraan waxyeelo soo gaartay dad Shacabka ah sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Ciidamada Jabuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay ka howlgallaan gobolka Hiiraan.



