Qarax 11 Qof ku dilay magaalada Istanbul

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhimatay qarax lagu bartilmaameedsaday bas booliis oo marayay bartamaha Istanbuul.

Qaraxa oo meel kale laga hagayay ayaa la sheegay in lagu rakibay baska intii uu marayay deegaanka Vezneciler ee mashquulka badan, intii lagu jiray mashquulka subaxa hore.

Illaa iyo hadda ma jiraan cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas,

Qaraxa ayaa la sheegay in meel kale laga hagay

Rabshadaha ka dhaca dalka Turkiga ayaa wakhtiyadan dambe sii badanayay arrintaas oo salka ku hayaysa dareenka ay qabaan Kurdiyiinta gooni goosadka raba iyo dagaalka ka jira dalka ay dariska yihiin ee Suuriya.

Qaraxu wuxuu ka dhacay agagaarka fagaaraha Beyazit oo ah mid taariikhi ah, halkaas oo dalxiiseyaal badan soo jiidata.

Ugu yaraan 36 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Istanbul.

Sawirada laga helay waxay muujinayaan burburka baska iyo guryihii ka ag dhawaa oo burbur soo gaadhay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rasaas laga maqlay agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay.