DHAGEYSO: Amaanka gobolka Bari oo la adkeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Caweys oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si weyn u adkeynayaan amaanka deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay aad u adkeynayaan amaanka guud ee deegaanada Puntland, isagoo tilmaamay in ay suuragal tahay in ururka Al-shabaab ay weeraro ka geystaan deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga hortagayo si aysan weeraro ugeysan Bisha Ramadaan.

Maamulka Puntland ayaa horey waxa ay usheegeen in ay adkeynayaan amaanka deegaanada Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan deegaanada Puntland.